Muqdisho 04 Dec 2014–Sadex gacan ku dhiigle ayaa saaka la mariyay cadaalada magaalada Muqdisho kadib markii maxkamadu ku xukuntey dil toogasho dilal arxan daro ah oo u gaysteen muwaadiniin Somaliyeed. Sadexdan la dilay ayaa hore u dilay laba wiil oo ka tirsan ciidanka halka midna u dilay wiil kamarada ku shaqaysta.
Aabaha dhalay mid ka mida wiilasha ay dileen ayaa goob joog ka ahaa halka lagu toogtey gacan ku dhiiglihii dilay wiilkiisa wuxuuna dareemay cadaalad dhaba.
Aabaha ayaa sheegay in sidan oo kale cadaalada loo mariyo dadka banaysta dhiiga dadka Muslimiinta ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM