X

Sadex horjooge oo ajaanib ku xiran ciidan ma samaysan karaan

Sadex horjooge oo ajaanib ku xiran ciidan ma samaysan karaan ciidan ay ku carqaladeeyaan dawlada dhexe. Sadexda horjooge ee Cabdiwelli Gaas, Shariif Sakiin iyo Axmed Madoobe ayaa Garoowe ka sheegay inay dhisayaan ciidan beeleed.


Ujeedada ayaa ah sidii looga hortagi lahaa horumarka ka socda dalka ee wajahaya iyaga, waxayna dabada kula jiraan Imaaraadka oo bixiya lacagta lagula dagaalamayo dawlada.

Sadexdaa horjooge mid Kiiniya ayuu dabada ku hayaa oo keensatey Kismaayo waxana ka ogolaadey fadhiid Xasan Sheekh, halka Shariif Xasan Itoobiya meesha ku haysay laakiin hadda anu ku taagneyn faro badan mar hadii Itoobiya ay ka dhalatey dawlada xora oo rabta in jaarkeeda ay kulanoolaato nabad.


Hadaba su’aasha aad is weydiin karto ayaa halkee ku dambeyn kartaa hamiga ah in dawlada looga hortago hab milatari oo qabiileysan xilli laga soo gudbey dagaal beeleedyo.

Ma dhacayso in dagaal beeleedyo dib u qarxaan waase sida ay rabaan sadexda horjooge siiba Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Qaladka ugu weyn waxa keenay maamul jufeedyada lala galayo heshiisyada gaarka ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.