Sadex horjooge ayaa hanjabaad Garoowe uga soo direy madaxda dawlada. Sadexdan horjooge oo mid Kiiniya hoostago iyo laba ay ku socoto doorasho goboleed ayaa hanjabaad ajaanib ka dambeyso ka soo direy Garoowe.
Xaaf isaga waan ognahay oo waa laga tuurtey xilka, midna Kiiniya ayuu hoostagaa oo waa Axmed Madoobe wuxuuna ka tirsanaa argagixisada shabaab, Shariif Xasan waxa ka qaylisiinaa waa lacag ajaanib siisay ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.
Dawlada ayaa hore casuumad ugu dirtey horjogeyaasha sadexda ah laakiin way diideen ayagoo raba inay fuuliyaan danaha ajaanibtu ka leedahay dalka.
Cabdiwelli Gaas oo isagu gosha gashadey kuwa kale ayaa hore u sheegay hadaan federaal la qaadan inuu la go’ayo Puntland inkastoo madaxda Puntland ku qosleen.
Amed Madoobe ayaa ku hanjabaya ineyna doorasho ka dhici doonin Kismaayo oo Kiiniya ku hayso, halka Shariif Xasan oo bisha dambe lagu dhegan yahay lana filayo inuu lumiyo ay ka qaylisiinayso I daaya.
Waxa aad loo amaaney madaxda dawlada dhexe oo daawanaya waxa dhacaya hadana ka raacay danta qaranka halkii ay ficil ka qaadi lahayd marka qaranka loo hanjabo sidan oo kale.
Warqad ka soo baxdey wasaarada amniga ayaa sidan u qornaa
Sida la wada ogsoon yahay waxa madaxweynuhu fidiyay gogol 8 bishii hore una fidiyay horjoogeyaasha gobolada wayse diideen, waxaan markale cadaynaynaa in gogoshu sideedu u taalo.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay markale ku baaqday in doorashooyinka baarlamaanada iyo madaxda gobolada ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay, una dhacaan si daah-furnaan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Soo akhrintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS