Maxkamd ku taal magaalada Bristol ee galbeedka Ingiriiska ayaa sadex Somali ah ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin kufsi, daroogeyn gabdho yaryar iyo iyagoo u tababaraya galmada. Sadexdan Somalida ah ayaa magacdooda lagu sheegay Sakariya Sheekh, 23 jir, Maxammed Dahir, 24jir, and Abdirashid Abdulahi, 23 jir.
Maxkamada ayaa ku heshay in gabadh ay siin jireen daroogada iyo khamriga kadibna ka filayeen in ay la seexato. Naagta la kufsadey iyo kuwa kale ayaa khamriga la cabi jiray wiilashan tagina jiray guryo kala duwan.
Maxkamada ayaa ku xukuntey xukuno kala duwan oo ay ugu yartahay 16 sano oo xadhiga. Sheekada ragaan ayaa socotey muddo sadex sano ku dhow waxana kula jiray rag ka waaweyn oo la isticmaalayay gabdhahan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS