X

Safaaradaha Somaliya dibeda ku leedahay oo bilaa qarasha yaa eeda leh

Ilaa 19 safaaradood oo Somaliya ku leedahay dunida ayaa ka qayliyay in ayna helin lacagihii safaaraduhu ku socon lahaayeen ee maalin laha ah sida bixinta kharashaadka joogtada ah. Wasiirka arimaha dibedda ee hadda shaqadiisu ka dhamaanayso ayaa fartu ku go’dan tahay.


Warqad wadajira oo safaaraduhu u qoreen wasiirka shaqadiisu sii dhamaanayso ayaa ku sheegeen in rubucii hore ee sanadkan ee ah sadexda bilood ee ugu horeysa sanadkan gaalada iyo sadexda ku xigaba aan loo soo dirin.

”Waxaan Wasiir ka codsanaynaa inaad kharashaadka lixdaa bilood aad noo soo dirto si aan u sii wadno hawlaha iyo adeegyada safaaradu qabato ayay yiraaheen.


Wasiirka shaqadiisu ka sii dhamaanayso ayaan welli ka jawaabin iyo sababta ay mudadaa dheer u waayeen xaquuqda ay dawlada ku leeyihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.