Safiir sii sheegay qodobo looga hadli doono shir la filayo in uu Turkiga uga furmo maamulka Somaliland iyo wakiilo ka socda Xasan Sheekh oo aan la garanayn cida ku jirta maadaama kuwii hore ay diideen maamulka Somaliland.
Safiirka dawladda Somaliya u fadhiya dalka Kiiniya, ayaa wargeyska The East African ee dalkaasi u sheegay in kulanka u dhexeeyaasan Sheekh iyo kuwa Siilaanyo ee Turkiga ee 31 May bishan looga wada hadli doono arrimaha farsamo sida:
1-isku socodka dadka.
2-Ganacsiga.
3-Baasaaboorada.
4-Cidda meteli doonta maamulka Somaliland ee uga mid noqon doonta barlamaanka ee dhawaan la dhisi doono.
5-Midnimada.
Wargeysku waxa uu qoray in Xasan Sheekh marhore Siilaanyo ku wargaliyay ajandaha shirka, hayeeshee ay aqbashay inay la fadhiistaan.
Xasan Sheekh ayaa diiday in shirka lagu soo hadal qaado in maamulka Siilaanyo ka go’day Somaliya iyo wixii la halmaala, balse loo baahan yahay inaan laga gudbin qodobada horyaal labada dhinac.
Dhanka kale, Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in rajo aad u weyn ay ka qabto in si ganbasho la’aan ah ay wakiilada Xasan Sheekh iyo kuwa Siilaanyo uga wada hadli doonaan arrimaha la xiriira midnimada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS