X

Sanam caabudka Sirilanka oo gubaya meydka Muslimiinta iyo qaylo-dhaan

Aduunka Muslimka qaarkood iyo hay’adaha gaalada ayaa aad u cambaareeyay sanam cabudka Sirilanka oo gubaya meydka Muslimiinta dalkaasi ee u dhinta hargabka Karoona. ”Marki horeba waxay rabeen inay gubaan meydkayaga oo aan la dhaqan noqono ayuu yiri Maxamed Shariif haddana waxa marmarsiiyo ay nooga dhiganayaan Karoona.


Dadka qaba hargabka Karoona ayaan badneyd dalkan ay ka taliyaan ama u badan yihiin sanam caabudku. Muslimiinta dalkaasi Sirilanka (Serendip) ayaa aad u yar, intooda badana ah si caadiya oo bilaa rabshada ula nool Sanam caabudka.

Waxase taasi bedelay qarax argagixisada Wahaabiga ay ka gaysatay caasimada Kolombo oo dad farabadan ku dhinteen. ‘Waxa na kharibey waa lacagta wahaabiyada Sacuudigu ku kharashaysay wadaado waata xumeysay xiriirka anaga iyo sanam caabudka ayuu yiri Maxamed Shariif.


Si kastaba ha ahaatee wasiirka caafimaadka ee Sirilanka ayaa diidey inuu xumshmeeyo aasida meydka  Musliniinta, isagoo ku doodaya in biyaha dhulka hoostiisa wax u dhimaya, sheegashadaas oo ay beenisay ururka caafimaadk aduunka.

Ururka Islaamka ayaa ugu baaqay Sirilanka inay xushmeeyaan meydka Muslimiinta oo aan la gubin. Muslimiinta dalkaasi ayaa joojiyay inay isbitaalada geeyaan meydadkooda si aan looga gubin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.