X

Saraakiil Imaaraada oo loo diidey inay hub iyo boorsooyin kala baxaan Boosaaso: SAWIRO

Saraakiil Imaaraada ayaa loo diidey inay hub iyo boorsooyin kala baxaan Boosaaso. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Saraakiisha ay sidoo kale doonayeen in ay dalka kala baxaan Hubkooda oo ay ku jiraan Gawaarida dabaabaadka.

Waxana Dekada Boosaaso uu u taagnaa markab ay doonayeen in hubkooda ay ku rartaan ,balse taasi ay diideen Saraakiisha ciidamada Puntland.



Saraakiil ka tirsan Puntland iyo Xubno uu hogaaminayey Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow ducaale ayaa kulan ay wada qaateen kadib ugu dambeyn waxaa loo ogolaaday Saraakiisha Dowladda imaaraadka in ay Garoonka Boosaaso ka dhoofaan.



Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Boosaaso ayaa waxa ay tababbar siin jireen ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland,waxana arrintaani ay ku soo aadeysaa xilli dawlada Somaliya qabatey lacag gaaraysa 20 kun oo milyan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.