X

Saraakiisha ciidanka oo faahfaahiyay is qarxin ay fashiliyeen

Saraakiisha ciidanka dawlada ee deegaanka Bacaadweyne ee ka tirsan gobolka Mudug ayaa shaacisay isqarxin ay fashiliyeen. Dhiigmiirad ka tirsan argagixisada oo been loogu sheegay inuu janada galayo xasuuqa muslimiinta ayaa isku dayay inuu gaari Toyota ah xoog ku marsiiyo xerada Bacaadweyne markii la joojiyay kadib.


Waxase Isla markiiba ka hortagay ilaalada xerada oo joojiya wuxuuse isku dayay inuu xoog ku dhaafo, waxase gosha loo geliyay baasuuke, waxa bartaas ku qarxay dhiigmiiradka iyo gaarigiiba.

“Ma jirin haba yaraatee wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka, aan ka ahayn inay bartaa Ku dileen naftii helige been loo soo sheegay.


Ciidanka ayaa intaas kadib bilaabay baaritaani dheeraada, made jirin Cid kale oo ay soo qabteen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.