X

Haweenay sawirqaade ah oo shaqadii laga eryay kadib nin iyo ilmihiisa oo ay lugta u dhigtey

Sawir aad looga daawaday aduunka qaasatan Yurub oo keenay in dawlada Hungari ay shaqadii ka erido haweenay sawir qaade ah oo sida la sheegay lugta u dhigtey nin iyo ilmihiisa oo ka ordaya booliiska dalkaasi kadib markii meel xera ah ay ka dhacday qalalaase. Sawirkan ayaa aad loo xanaaqay taas oo keenay in haweenaydu shaqadeedu ku waydo.

Ninkii iyo ilmihii uu watay ayaa la arkayaa iyagoo dhulka ku dhacaya waxase markii dambe u gurmaday isla kuwii ka duubayay qaar ka mida waxase ku soo gaarey booliiska oo halkii ka diyaariyay warbixin ku saabsan sida ninkan iyo ilmahiisa loo riday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.