Usbuuc ayaa ka soo wareegtay markii xoogaga geesiyaasha Kurdiyiinta iyo Carabta oo iskaashanaya ay magaalada Manbij ka xoreeyeemn argagixisada Daacisho. Argagixisada ayaa loo sheegay in la siin doono dariiq ay kaga baxaan magaalada.
Argagixisada Daacish oo aragtey in dhimasho mooyee si kale ayna ku badbaadeyn ayaa codsatey in ay hubkeeda la baxdo waase laga diidey. Waxa kadib lagu qaadey weerar xoogan oo dhegaha u laabey.
Kadibna waxay dalbadeen in ay ka baxaan guryaha dadka ee ay dhufaysyada ka dhigteen. Kooxdan diinteena ku qaraabata ee xididada u siibtey taariikhdii soo jireenka ahayd ee labada wadan ee Ciraaq iyo Siiriya ayaa khiyaameysay xulufada waxayna afduub u gaysteen dadkii shacabka ahaa.
Dabeeto wadadii loo baneeyay ayaa lug iyo gawaadhi ku mareen iyadoo loo jeedo in dadkii ay afduubteen fuushiiyay gawaadhida dagaalka. Xulufada ayaa go’aansatey in dadkaas badbaadiyaan waxana laga daayay in la burburiyo.
Argagixisada Daacish markii laga saaray magaalada Fuluuja ayaa sidan oo kale wado loo furey, waxase lagu burburiyay halkii markii la ogaadey in ioyaga kaliya socdaan halkaana waxa lagu khaarajay cadow Muslimiintu leeyihiin oo barbakc iyo xasuuq u gaysta.
Xoogaga Kurdiyiinta ayaa hadda u ruqaansadey magaalada argagixisada laga xoreeyay Manbij ay u fakadeen. Waxa hore loo daawadey dadka Manbij oo gubaya dharka madow ee argagixisadu ui gelisay haweenka.
Xoogaga Kurdiga iyo Carabta ayaa qaadey sawiradan laakiin mardhow kaliya sii daayay argagixisada dharka madow iyo dadkii shacabka ahaa ee ay gaashaanka ka dhigatey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS