Sawirkii Yurub loogu daawasho badnaa usbuucii la soo dhaafay dalalka Yurub ayaa noqdey sawir laga soo qaadey hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya oo daawanaya gantaal uu ka dul tuurey Jabaan.
Gantaalkaas oo gaarayay masaafo dhan 3,700 oo Kiiloomitir ayaa dul saran dhamaan Maraykanka. Hogaamiyaha Kuuriya ayaa xooga saaray sidii uu u adkeyn lahaa difaaca dilkiisa oo uu khatar u hayo Maraykanku.
Maraykanka ayaa ah dalka KALIYA ee dunida isticmaalay hubka wax burburiya ee Nukliyeerka kadib markii uu isticmaalay Jabaan.
Woqooyiga Kuuriya ayaa tijaabinaysa gantaalada ay hadda samaysato si ay toos ugu duqeyso cadowgeeda koowaad ee Maraykanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS