X

Sawiro caruurtii aan qaangaadhin ee lagu qabtey weerarkii argagixisadu soo qaaday iyo maydkooda Puntland

 Dhiigmiiradka lagu soo qab-qabtay dagaalkii kadhacay Togga Suuj ee Deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal oo lakeenay xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Maxaabiistii Alshabaab ee lagu soo qabqabtay dagaalkii maalinimadii shalay 20-March-2016- kadhacay Togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa Caawa fiidkii lagu soo wareejiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatar ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yarar.

Ciidamada Dawaladda Puntland ee dagaalka adag kula jirtey kooxaha sharwadayaasha al-shabaab ee kusoo duuley Puntland kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey Togga SUUJ  oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal ayaa soo afjarmay maalinimadii shalay 20-March-2016-ka kooxdii Alshabaab ee degaankaasi soo gaadhay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dagaalkaas oo bilowday subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxa lasoo afjaray isla galabnimadii shalay, waxaana dagaalkaasi kasoo gaadhey kooxaha sharwadayaasha ah ee alshabaab qasaare naf iyo maal leh, dhimashadooda inta la’ogyahay waa 65,dhaawaca gacanta lagu qabtayn waa 5, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 30, waxaa sidoo kale gacanta lagaga dhigay saanad millateri oo tiro badan.

Sidoo kale ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaacanayey diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxaa soo gaadhey qasaare aad u yar taas oo ah 1 Hal Askari oo shahiidey iyo 5  shan Askari oo uu soo gaadhey dhaawacyo, Dagaalkii kasocdey Togga Suuj-na halkaas ayuu kusoo afjarmay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyey ciidamada xaq kudirirka ah ee Dawladda Puntland iyo kooxaha burcad diimeedka alshabaab ee kudhexmaray maalinnimadii shalay 20-March-2016-ka deegaanka DABAKARAN oo katirsan deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa kooxaha sharwadayaasha ah  ee shabaab waxa kasoo gaadhey qasaare aad u ballaadhan, waxaana halkaasi uga dhibatay 45, waxaana dhaawac looga qabtay 4, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 8, waxaana intaa sii dheeraa oo goobta lagaga qabtay saanad ciidan oo tiro badan oo u badan hubka noocyadiisa kala duwan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.