X

Sawiro cusub oo laga helay sida argagixisadu u xasuuqeen dadkeenii Baydhabo

Warar dheeraad ah iyo Sawiro cusub ayaa laga helayaa qaraxyadii shalay galab ruxay magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay waxaana lagu laayay dad u badan shacab.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyo qaar kamid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobmay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Weerarada ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lamid ahaa weeraradii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan galaafta nolosha dad farabadan.

Dhaawacyada oo loo qeybiyay laba qeyb ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in kuwa Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka loo qaado magaalada Addis ababa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.