Waxa maanta heshiis laga gaaray colaada ka jirta Gaalkacayo iyado labada dhinac ay isku gacan qaadeen isla Gaalkacayo. Qodobadii heshiiska ayaa waxa ku Jira in xabada la joojiyo laguna wada noolaado si nabada.
“Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo.
Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa sheegay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.
Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaalkacyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM