Sida ay shaaca ka qaaday haweeneyda afhayeenka u ah qoyska Tone Ilebekk ee lala dilay wiilka soomaaliga ah ayaa nafteeda u hurtay Yacquub Xasan (14-jir) kaddib markii ay damacday in ay ka dhiciso wiilkii norwijiga ahaa ee mindiyeynayay.
Tone Ilebekk ayaa la sheegay in xilligaasi ay hawo siineysay Ay ay laheyd, sidaasna ula kulantay dhacdadan galaafatay nolosheegay.
Warkan oo laga soo xiganayo wiilkii wax dilay oo wareysi ku aadan qaabka uu u dhacay dilka siiyay booliska ayaa sheegay in ay dagaalammeen isaga iyo saaxiibkiis Jakob oo ay isku koox kubad ahaayeen ay soo kala dhex gashay Tone, sidaasna uu iyadana ugu daray mindi gelinta.
Waxa la sheegay in qeybta kore ee jirka uu ka geliyay dhowr mindi, dabadeedna uu goobta isaga baxsaday.
Gacan-ku-dhiiglaha ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka dhimirka kaddib markii shalay lagu xukumay labo isbuuc oo “xabsi” ah.
Booliska ayaa labadan isbuuc ku baaraya caafimaadka dhimirka ee wiilkan oo diiday in uu qareen qabsado markii la xukumayay.
Wiilka wax dilay iyo kan la dilay ee Soomaaliga ah ayaa la sheegay in ay asxaab ahaayeen, ayna ka wada tirsanaayen hal koox oo kubadeed.
C/llaaho Warmooge
ARAABINEWS