Madaxweynaha Turkiga Dayib Erdogan ayaa maanta shidey caasimada Somaliya ee Muqdisho iyadoo si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada isla markaana la sudhey calanka Somaliya iyo kan Turkiga dhamaan gidaarada ka agdhow madaarka.
Madaxweynaha Somaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo barlamaanka ayaa si nidaamsan u soo dhaweeyay Erdogan waxanas intaa kadib lagu dhaqaaqay wixii madaxweynuhu u yimi Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa furey safaarada Turkiga iyadoo mashaariic kalana laga hirgelin doono halkaas. Turkiga ayaa hagaajiyay xiriirka uu la leeyahay Somalida.
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS