Waxa maanta magaalada Henley ee Ingiriiska ka dhacdey kulanka ”Boorama oo tagtey Henley ama afka qalaad Borama Comes to Helney”. Kulanka oo aad u xiiso badnaa oo sanadkan aad looga qaybgalay ayaa ka furmey abaaro kowdii saacada Ingiriiska.
Boorama oo mataano la ah Henley ahna taarikh soo jiraana ayaa sanadkan waxa ka soo qaybgalay ruug cadaa fanaaniin ka soo jeeda magaalada Boorama ama Awdal.
Xaflada ayaa lagu furey waxoogaa hadala oo looga hadlay xiriirka soo jireen ee labada magaalo, intaa kadib waxa loo gudbey dhinaca ciyaaraha oo gobolku ama magaaladu aad ugu dihin tahay.
Hadaba sawirada qaar ayaan hoos idiinku soo gudbinaynaa iyadoo xafladu aad u balaadhneyn lagana ciyaarey ciyaaro aad u badan iyo is aragyo dhinacyo badan leh.
ARAABINEWS