X

SAWIRO: safaaradii Somaliya magaalada Washington oo dib loo furay sanado kadib

Safaarada Somaliya ay ku leedahay dalkaasi Maraykanka ayaa dib loo furey sanado kadib. Xaflad kooban waxa ka soo qaybgalay madaxa Maraykanka u qaabilsan Afrika Carson. Safiirka Somaliya ee u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dib u furitaanka Safaaradda, ka dib muddo 24 sano ka badan oo Safaaraddu ay xirneyd.

Safiirka, ayaa waxa uu sheegay in tani ay qayb ka tahay horumarada ay xilligan ku tallaabsaneyso Somaliya, oo wajaheysay xaalad cakiran oo ka dhalatay dagaaladii sokeeye.

Dad Somaliyeed oo jecel wanaagga, ayuu sheegay in ay gacan ka gaysteen dib u furitaanka Safaaradan, oo xoojineysa xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, sida uu yiri.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.