Argagixisada shabaab oo muslimiinta dhiigood banaysatay ayaa labo Qarax ka ridey agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxayna sababeen qasaaro isugu jira dhimasho,dhaawac iyo bur bur dhismo.
Jugta Qaraxyada oo aad u xooganaa ayaa laga dareemay gudaha Garoonka diyaaradaha,halkaasi oo dadkii Rakaabk sugayay dhoofitaanka waxyelo sidaasi aan u buur neyn soo gaadhay.
Terminalka cusub ee Dowladda Turkiga ay ku kordhisay Garoonka diyaaradaha ayaa la sheegayaa inuu bur bur soo gaaray Albaabada iyo daaqadaha miraayadaha ka sameysan.
Sidoo kale, safiitooyinka iyo qalabka kale ee lagu qurxiyey saqaafka sare ee terminalka qaarkood ayaa kala daatay, kuwaasoo xafiisyada qaarkood ka dhigay sidii meel mar hore laga guuray.
Argagixisada shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxyada,waxayna sheegeen iney Qaraxyada u dhaceen sidii ay ugu talagaleen.