Wararka ayaa sheegaya in Gaariga laga leeyahay Somaliland sida taarikada lagu helay wayse la waydey argagixisadu in xay xasuuq badan gaysato.
Qaraxan ayaa waxa ku dhintey geesiyaal Somaliyeed.
Saraakiil ayaa sheegaya in Gaarigan argagixisada Shabaab ay la damacsanaayeen inay ku qarxiyaan goobta ay ka soconeyso doorashada Barlamanka Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland oo maanta dhaceysay.
Gaariga qarxay ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in uu lahaa muwaadin ka soo jeeda beesha ISAAQ ee Somaliland oo argagixisada taageersan.
Argagixisada ayaa hanjabaad u direy dhamaan goobaha doorashadu ka socoto.
Hay’addo caalami ah ayaa horay uga digay halista Al Shabaab iyo saameynta ay ku yeelan karaan doorashooyinka Dalka ka socda.
Qaraxan ayaa ka dhacay duledka Muqdisho
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS