Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo ah goob ciidanka Kenya si xun loogu laayay, kadib markii weerar abaabulan oo argagixisada Shabaabka ay ku qaadeen Bishii January 15-keeda sanadkan 2016 ayaa Saldhigaasi waxaa ka muuqda weli raadadka dagaalkii iyo qaraxyadii lagu weeraray Ciidanka Kenya.
Ceelcadde waxaa ku sugan hada oo maamulaya argagixisada shabaab waana faaruw cidina Kuma noola markii ciidamada Kiiniya ay isaga baxeen halkaasi.
Waxaa ka muuqda Sawirada Gaadiidka Gaashaman ee ciidanka Kiiniya ay isticmaali jireen. Ilaa hada Dowladda Kiiniya ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada looga laayay weerarkii Ceelcadde, iyadoo shacabka Kiiniya weli ay u dhag taagayaan Ogaanshaha inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkaasi.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay weerarka Ceelcadde in lagu dilay Askar gaaraysa 200 ilaa 180 Askari oo Kenyan ah, hadalkaasi oo Dowladda Kenya si adag ay u beenisay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS