Nayroobi–Madaxweyne Kenyatta oo ay wehliyeen saraakiisha Ciidamada ayaa Isbitaalka Ciidamada ee magaalada Nairobi booqasho ugu tagay qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkaas, waxaana uu u rajeeyay inay si deg deg ah u bogsadaan.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan Kiiniya cabsi gelin doonin weerarada uga imaanaya Shabaab, waxaana uu ku hanjabay inay dagaal adag oo rogaal celin ah la geli doonaan.
Waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka reer Kiiniya inay u midoobaan una istaagaan sidii ay u jebin lahaayeen cadawga, waxaana uu xusay inay aqoonsan yihiin xuquuqda qof kasta, xoriyaddiisa iyo cibaadadiisa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM