X

Saxaafada Ingiriiska oo looga digey in ay isticmaalaan magaca ay ugu yeeraan kooxda argagixisada ee Daacish

Raiisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa uga digey saxaafada dalkiisa in ay isticmaalaan magaca qaldan ee ay ugu yeeraan ururka Daacish. Magaca ay ku qaldameen ayaa ah dawlada Islamiga iyadoo la ogyahay in goobaha ay ka taliyaan argagixisada Daacish ay yihiin goobo cabsi lagu noolyahay kana fog dinteena Islamka.

Saxaafada Ingiriiska oo ku hadashay afaf badan ayna dhegeystaan dad dhalinyaro oo caqligoodu aanu ku filneyn ayaa lagu qaldi karaa in ay jirto dawlad Islaam ah.

Wadamada Ruushka iyo Faransiiska ayaan iyagu isticmaalin magacaas qaldan. Argagixisada Daacish ayaa ku hanjabey in ay dilayaan kuwa ufgu yeera magacooda saxda ah ee Daacish oo macnaheedu yahay KUWII XUMAANTA U SAAXIIB AHAA.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.