X

Saxaafada Maraykanka oo afka ka xidhatay xasuuq nin bastoolad wataa u gaystey sadex Muslimiina:WARBIXIN

North Carolina-Araabinews–Saxaafada Maraykanka ayaa afka ka xidhatay nin cadaana oo xasuuqay sadex muslimiina dalkaasi Maraykanka gobolka North Carolina. Dadka badankisa ayaa ka naxay laba wajiilenimada lagu yaqaan saxaafada Maraykanka oo arimahan oo kale soo dhigi lahayd xaga hore.

Xaaska u qabo ninka xasuuqay sadexdan muslimiinta ah ayaa ku adkaysanaysa in aan loo dilin dintooda ee ay ku murmeen goob gawaadhida la dhigto, inkastoo hooyada sadexda la xasuuqay ay sheegtay in marhore arin sidana dhacday laakiin iyadu ku doodayso in dilkan uu gaystay ay tahay nacayb uu muslimiinta u qabo.

Waxa si aada baraha bulshada la isku dhaafsanayaa xasuuqa muslimiintan waxase muranku ka taagan tahay sida loo dilay iyadoo ay jirto laba doodood oo ah waxa dhacay.

Dilalka ka dhaca Maraykanka ayaan ka bixin saxaafada qaasatan kuwa ay gaystaan dhiigmiiratada aduunka sida Daacish ama dilalka kale ee caadiga ah waxase laga yaabay sida ay uga aamuseen.

Sadexda la xasuuqay oo magacdooda la kala yiraahdo Deah Barakat iyo xaaskiisa Yusur Mohammad Abu-Salha iyo walaasheed Rasan Mohammad Abu-Salha ayaa arday ka ahaa jaamacada North Carolina waxayna ka soo jeedaan dalka burburey ee Siiriya.

Ninka dilay ayaa isa soo dhiibey iyagoona ku doodaya in muranku ka bilaabmey goob gawaadhida la dhigto oo jaarku wada isticmaalaan. Hoos ka fiiri sawirkiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.