Aaskii Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cawke ayaa ka dhacay qaybta Wajaale ee ay maamusho ismaamulka Somalida Itoobiya waxase dhacday in masuuliyiin ay ku jiraan Saylici iyo Muuse Biixi ayna u hogaansamin amniga iyo kaladambeynta taas oo keentay in ay galaan meel amnigeedu adagyahay. Kadib waxa dhacay in askartii gudanaysay waajibkeeda amni ay dib u soo riixaan Saylici iyo Muuse Biixi kuna qasbaan in ay gawaadhidooda galaan.
Nasiib wanaag waxa loo sheegay madaxda amniga ee dhinaca ismaamulka kuwaas oo u sheegay in ayna ogeyn una sheegeen in amingu adagyahay maadaama uu joogo madaxweynaha ismaamulka mudane Cabdi Maxamud Cumar oo xukuumadiisu ka qaybgalaysay aaska Axmed Xasan Cawke.
Saylici iyo Muuse Biixi ayaa la kulmay riix riixid iyadoo la tusayo in ay nidaamka raacaan. Masuuliyiin labada dhinac ee Saylici iyo Muuse Biixi ayaa iyaguna sheegay in ay moodeen in wadadu furan tahay. Waxase markii dambe ay ku dhamaatay isgacan qaad.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kaalinweyn ka qaatay nidaamkii wanaagsanaa ee ay u dhacday aaskii Axmed Xasan Cawke.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM