Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mida saxiixayaasha cusub ee Somaliya ayaa goordhaw si rasmi ah u furay Shirkooda ay uga hadlayaan xilliga ay qabanayaan doorashada iyo halka lagu qabanayo.
Somalida ayaa cambaareeyay shirkan ay isku kooban dhowr jufo oo ka mida Somalida halka kuwa kalana la xaqirey lana hoosgeeyay jufooyin ayna rabin kuwaas oo marki dambe qaadacay xiriirkana u jaray.
Shirkan Waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda Maamulada dalka ka jira, waxaana shirkan inta uu socdo looga arinsan doonaa dhameestirka shirarkii horey u dhacay ee looga arinsayay doorashada Soomaaliya.
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shirkan si rasmi ah uga furmay, waxaana la filayaa marka shirka soo dhamaado maalmaha soo aadan in laga soo saaro War-murtiyeed lagu cadeenayo qodobadii shirka looga hadlay iyo natoojiiyinka kasoo baxay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS