Warar sheegaya in Saylici la soo baxay seef aan la garayn iyo xil wareejin uu joojiyay. Sida warkan oo la isla dhexmarayo uu sheegayo Saylaci ayaa maalintii shalayto ahayd hor-istaagay xaflad ay doonayeen in ay xilka kula kala wareegaan laba wasiir ku xigeen oo ka mid ahaa isku shaandhayntii uu madaxwayne siilaanyo dhawaan sameeyay.
Labadan wasiir ku xigeen ayaa kala ah Wasiir ku xigeenkii hore ee Arrimaha dibadda iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee qorshaynta waxaana wasiir kuxigeenkii hore ee qoshaynta loo magacaabay in uu noqdo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda,
Mudane Saylaci oo ah ku simaha madaxwayne siilaayo ah madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa waxaa loo sheegay in labadan wasiir ay doonayaan in ay xafladda xil wareejinta ku qabsadaan hotel maansoor ka dibna saylici ayaa waxaa uu hor istaagay xafladaasi waxaan u sheegay in ay wasaaradahooda ku qabsadaan oo la joojiyo lacagta lagu xafladaynayo.
Saylici ayay ahayd in uu xukunka maamulka la wareego lix sano xilligaas oo Siilaanyo hawlgab noqdey taladii maamulkana ay u gacan gashay dad aan la dooran.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS