X

Saylici oo safar dhuumasho ah ku tagey Jabuuti iyo sababta loo malaynayo

Saylici ayaa safar dhuumasho ah ku tagey Jabuuti iyo sababta loo malaynayo safarkiisa qarsoodiya ah ayaa laysla dhexmarayaa Boorama iyo Hargeysa.

Saylici ayaan la fileyn in uu dib u soo noqda haddi doorasho ka dhacdo maamulka Somaliland waxana hadda uu ku jiraa sidii uu isku meelayn lahaa doorashada kadib.



Mudada ku dhow 7 sano ee maamulka Kulmiye loogu daray ayaa Saylici ka sameeyay lacag aad u farabadan waxase u dhiman hal oo ah in uu wali hayso baasaboor Somali.



Sababta uu u tagey Jabuuti ayaa la isla dhexmarayaa in uu rabo in uu Jabuuti ka raadsado baasaboor Jabuutiyaan si uu u maro khadkii Daahir Rayaale oo lacagtii uu ka sameeyay maamulka Somaliland guri kaga iibsadey Faransiiska.

Khadkaas oo la sheegay in uu yahay khad qabow.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.