X

Diyaarad Itoobiya leedahay oo Kiiniya u diidey inay ka degto Kismaayo

Ciidanka Kiiniya ee Kismaayo ku jooga xooga taageersana Axmed Madoobe ayaa maanta u diidey diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya inay ka degto garoonka Kismaayo. Waxa arintaas aad uga cadhooday ciidamada Itoobiya.


Dawlada Somaliya ayaa codsatey in ciidamada Kiiniya laga saaro garoonka Kismaayo laguna wareejo kuwa Itoobiya. Ciidamadan ayaa ka hor joogsaday madaxda dalka inay booqato Kismaayo.

Berito oo Salaasa ah ayaa la filayaa in taliyaha Amisom booqdo Kismaayo dhegeystana waxa Kiiniya ku qasbey inay joojiso diyaarada Itoobiya oo ay saarnaayeen ciidamo komaandoosa oo qorshuhu ahaa inay ilaaliyaan garoonka.


Tan ayaa imaanaysa xilli musharax Axmed Madoobe diidey inuu dhegeysto dawlada iyo saaxiibada Somaliya isla berina furayo dhegeysiga musharxiinta. Waxa ilaalo ka ah ciidanka Kiiniya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.