X

Shacab argagixisadu ku soo barakicisay Mudug oo raashin la gaarsiiyay: SAWIRO

Shacab argagixisadu ku soo barakicisay Mugud ayaa loo fidiyay gargaar. Gargaarkaas oo ay fidiyeen  ciidanka Danab. Qoysaska ayaa faro marnaan la soo qixiyay oo xataa haysan dhar ku filan iska daa wax kalee.


Argagixisada ayaa goobo faro ku tiris ah ka jooga gobolka Galguduud waana dhulka ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah kuna qasbaan diintooda gaaleynta Muslimiinta.

Taliyaha ciidan danab 21aad C/casiis C/llaahi Xogolof ayaa warbaahinta uga warbixiyay deeqdaan iyo dhibaatooyinka shacabka soomaaliyeed ku heysta deegaanadaasi isagoo sidoo kalana ka dhawaajiyay in ay jiraan qorshayaal ku aadan sidii kooxdaasi loo soo afjari lahaa balse shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee qaranka.


Wuxuuna raaciyay in shacabku u istaagaan la dagaalanka kooxda naf la caarigaa ee haraadigoodu ku dhuumaaleysanayo dhulka howdkaa ee ku dhaw dhaw dagmada xarar dheere.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.