X

Shacabka degmada Araabi oo ka banaabaxay balano looga baxay iyo maamul xumo: SAWIRO

Shacabka degmada Araabi ee ismaamulka Somali galbeed ayaa ka banaanbaxay maamul xumo iyo balano badan oo maamulka degmada Dambal uga baxeen. Degmada Araabi iyo hareeraheeda sida Jabanta iyo Sheekh nabadgelyo ayaan gebi ahaanba ka socon wax horumara in muddo ahba.


Waxay shacabku ka qayliyeen biyo la’aan baahsan oo ka jirta degmada Araabi iyo deegaanada kale ee hareeraheeda oo maamulka degmada Dambal ka masuul yahay.

Mashaariicdii kale ee degmada muhiimka u ahaa sida korontada, wax soo saarka beeraha iyo caafimaadka ayaa gebi ahaanba jirin, waxana ilmaha iyo dadka xanuusan loo qaadaa Jigjiga oo aad uga fog intii awoodaa.


“Waa maamul xumo waxaa dibedda noo soo saaray ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi waxana masuiyada leh waa degmada Dambal. Waxa noo raaca balan xumo.

Si kastaba ha ahaatee waxa ka sugaa jawaabta ay ma bixiyaan maamulka Dambal.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.