X

Shaqaalaha Shiinaha ee ka shaqeeya shidaalka ismaamulka oo war laga soo saaray

Shaqaalaha Shiinaha ee ka shaqeeya shidaalka ismaamulka ayaa war laga soo saaray. Sidii rabshadaha iyo bililiqada ay uga dhacdey Jigjiga oo ay ka dambeeyeen taageereyaasha Cabdi Ilay waxa isbedel ku yimi amniga Jigjiga iyo deegaanada u dhow.


Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha Shiinaha ee ka shaqeeya shidaalka deegaanada Caluub iyo Hilaala ay isaga baxeen goobahaas kuna noqdeen Addis ababa.

Wax rabashado ah lagama soo sheegin deegaanadaas laga soo saarayo saliida, aan ka ahayn in baabuur laga dhacay hay’adda hoostagta shidaal qodista waxase la sheegaya in taxadir ahaan ay ugu noqdeen Addis ababa.


Waxa iyana dib u dhac ku imaanayaa dhuuntii gaaska qaadi lahayd ee geyn lahayd Jabuuti taas oo shirkaduhu sheegeen in sidii loogu talogalay dib uga dhacayso.

Hadaba shirkada Shiinaha ee shidaalka qodeysa ayaa iyadu beenisay in shaqaalaheedu ka baxeen Caluub iyo Hilaal  ee Addis ababa u tageen nasasho ama fasax.


Goobaha shidaalka laga qodayo ayaa ka fog Jigjiga oo rabshado ka dhaceen inkastoo hadda amnigu fiican yahay oo gacanta ku dhigeen ciidamo ka socda dawlada dhexe.

Itoobiya ayaa sheegtay in lacagta gaaska ka soo baxaysa ay dhanaan doonto bilyano doolar sanadaha ugu horeeya.

Waxaan welli la qeexin inta ismaamku ku yeelan doono shidaalka laga helay deegaankooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.