X

Shaqaale ka tirsan garoonka Muqdisho oo la diley

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xuduuda u dhaxeysa Wadajir iyo Degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in argagixiso  hubaysan saaka aroortii halkaasi ay ku dileen ruux ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadde.

Dilka ruuxaan ayaa yimid kadib markii uu ka soo baxay Masaajidka oo uu ku soo tukaday Salaada Subax, kadibna rag hubaysan oo Mooto wata ayaa dilay ninkaasi.

Ninka la dilay oo magaciisa aysan helin Warbaahinta ayaa la sheegay inuu ka shaqeynaayay Garoonka Aadan Cadde, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka Xaafada ay wada daganaayeen.

Meydka Marxuumka la dilay ayaa goobta laga qaaday, waxaana la dhigay Hooygiisa, iyadoo dilka kadib goobta ay soo gaareen ciidamada ammaanka Dowladda.

Ragga falka dilka ah fuliyay oo watay Mooto labo lugood leh ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen Marxuumka.

Muddooyinkaan waxaa soo badanaya ragga dilalka qorsheysan ku fuliya Mootooyinka, xilli shalay Muqdisho lagu qabtay rag watay Mooto oo dil geystay.

Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley ayaa waxaa ka dhaca dilalka ugu badan ee Muqdisho ka dhaca.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.