X

Sharci aduunku ka qayliyay oo Denmark ku fulinayso qoxootiga: waa sharci nooceeya

Iyadoo Yurub hadda laga nacay qoxootiga oo ay yartahay wadamo soo dhaweynaya ayaa waxa intaas dheeraada in xuduudadii isku furnaa hadda la dhigey askar baarta cida galaysa wadamada badankood. Sweden ayay ahayd dalkii ugu horeeyay ee askar dhiga xadka ay la wadaagto Denmark. Talaabo rogaalcelina ayaa waxa qaaday Denmark oo hadda sheegaysa in askarta wax baadha ay dhigtey xadka ay la leedahay Jarmalka.

Denmaark ayaa sheegtay in ilaa iyo markii ay bilaabeen in ay askar dhigaan xuduudooda ay dib u celiyeen dad gaaraya 200 oo aan haysan sharci sax ah intooda badana ku soo socdey dalkooda.

Hadaba waxa barlamaanka dalkaasi horyaala sharci ka xayuubinaya dadka qoxootiga ah wixii ay hanti haystaan sida lacag iyo waxkasta oo qiimo leh. Sharcigan oo la filayo in barlamaanku u codeeyo bishan aakhirkeeda ayaa waxa ka qayliyay aduunka.

Waxay Denmaark ku eedeeyeen in ay u dhaqmayaan sidii Jarmalkii hore iyo Yuhuuda hadda. Waxay talaabada Denmaark ku sheegeen mid laga naxo inkasta oo aan weli la hirgerlin loona codeyn.

Denmark ayaa dhinaceeda ku doodeysa in talaabadani ay ka nixineyso magangelyo doonka si ayna Denmaark u iman uguna hamin in uu yahay dal QANI ah oo lacagtu banaanada taaltaalo.

Waxay kale oo ay sheegtay Denmaark in hantidaa qoxootiga laga qaadayo dib loo gelinayo guryaha ay degaan, caafimaadka iyo waxnarashada.

Aaladaha laga xoogayo qoxootiga magangelyo doonka ah waa in qiimahoodu gaarayo ilaa 10,000 oo lacagta wadankooda ah oo u dhigenta ilaa kun iyo shan boqol oo doolar Kuma Jiraan dahabyada iyo fargalada gaaladu xirtaan ee guurka.

Sharciga horyaala barlamaanka waxa ka mida oo ku Jira in la adkeeyo helida sharciga DEGANAANSHAHA looguna daro in la yareeyo sharciyada deganaanshaha aan rasmiga ahayn.

Waxa kale oo ku Jira sharcigaas la horkeenayo barlamaanka in la yareeyo midowga qoysaska kala maqan sida nin iyo naag ama hooyo iyo caruurteed oo hadda la sugo HAL SANO lagana dhigayo Sadex sano.

Masuul u hadlay hay’ada qoxootiyada ayaa Denmaark ku xasuusiyay in ay ku xadgudbeyso qawaaniinta qaramada midoobey u degsan waxna u dhimayso sharciga xaqa ah ee qeexaya in qoysasku deg deg u midoobaan.

Waxase la sugayaa sida sharcigan loo isticmaalo haddiiba sidiisa lagu marayo barlamaanka bishn aakhirkeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.