X

Shariif Xasan & C/kariin Guuleed oo Damacsan qorshe ka dhan ah Heshiiska Puntland (XOG)

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed & sidoo kale Galmudug ay maleegayaan qorshe culus oo ka dhan ah heshiiskii Garoowe.

Heshiiskan ayaa waxay Labadan dhinac u arkaan mid iyaga lagu liiday sidoo kalena wadanka oo dhan laga dhigay inuu ka dhaxeeyo Dowlada Federaalka & Maamulka Puntland.

Waxay hadda doonayaan in iyaguna ay qorsheyaal cusub keenaan islamarkaana ay ka laabtaan Heshiisyo hore oo loo galay & sidoo kale fikrado ay qabeen Maamuladaasi.

Xogta ayaa tilmaameysa in laga yaabo inay soo saaraan warsaxaafadeedyo ay ku diidan yihiin heshiisyadaasi sidoo kalena ay ku muujinayaan  mowqifka ama go’aanka ay gaareen.

Warraka ayaa intaa ku daraya in kulan degdeg ah ay qaadan doonaan Labadan Madaxweyne, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku kulmi doonaan balse waxaa suurto gal ah in ay wax walbaa is bedelaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.