X

Shariif Xasan oo soo xulay qaybtii kaga aadanayd aqalka sare

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu doortay sideeda xubnood ee aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matali doona Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baaralamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta cod u qaadayay musharxiin dhowr ah oo ku tartamayay kamid noqoshada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 54-xubnood.

Xubnaha Aqalka sare kumatalaya maamullka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la doortay waxaa ku jira labo haween ah kuwaa oo kusoo baxay doorashadii ay maanta u galeen in ay kamid noqdaan Xubnaha aqalka sare.

Halkan ka Aqriso Magacada Xubnaha Aqalka sare ku matalaya Koonfur Galbeed Soomaaliya

1-Cabdikaafi Macalin Xasan

2-Xuseen Cali Xaaji Cabdalla

3-Zamzam Ibraahim Cali

4-Timiro Maxamed Cali

5-Xuseen Sheekh Maxamuud

6-Aadan Cabdi Aadan

7-Ilyaas Cali Xasan

8-Cabdulaahi Cabdi Jabriil

Warbixintii C/llaahi Warmooge]

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.