X

Sheekh Baaruud oo ka tirsan culimada Sucuudiga ku xiran oo qarax ka badbaadey

Sheekh Baaruud oo ka tirsan culimada Sucuudiga ku xiran oo qarax ka badbaadey. Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha Sheekh Nuur Baaruud ayaa faafhaahin ka bixiyay qarax lala beegsaday gaari ay wateen duleedka Muqdisho.

Gaadiid ay la socdeen masuuliyiinta Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran oo ay wehliyeen xubno ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo agaasimayaal ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa qarax lagula beegsday degaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa sheegay in weerarkaas lala beegsaday, laakiin uu Alle ka badbaadiyay oo aanay wax khasaaare ah ka soo gaarin marka laga reebo gaari ay wateen oo burbur gaaray.

Sheekha ayaa sheegay inay u sii socdeen barakacaayasha Duleedka Muqdisho, laakiin ay safarkoodii joojiyeen dibna ugu soo laabteen Muqdisho, gaarigii waxyeelada gaartayna la soo jiiday.

Maaha markii ugu horeysay oo sheekhan ay argagixisada Salafiga Sucuudigu isku dayeen in ay dilaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.