X

Sheekh Dirir oo sharaxay xeer gaalo laga soo guurey oo Muuse Biixi ansixiyay

Sheekh Dirir ayaa sharaxay xeer gaalo laga soo guurey oo Muuse Biixi qalinka ku duugey. Xeerkan oo loo bixiyay xeerka kufsiga ayaa waxa ku jira in ninka iyo naagta is qabaa uu dhexdooda ka dhici karo kufsi.


In khaniisku caadi yahay oo ayna jirinba wax dambi ah oo ku saabsan sinidda. Wuxuu xeerkan kufsiga meesha ka saarayaa waxa qoyska loo yaqaan oo aasaas u ah ummada Muslimka. Xeerkan gebi ahaantiisba khilaafsan diinteena suuban ayaa Muuse Biixi qalinka ku duugey.

Sheekha ayaa u qiildayay sheegayna in aanu si guud u akhriyin oo la is dhaafiyay, waxase laga naxay in la yiri wuxuu raacsan yahay diinteena suuban oo waxba ka tegin.


Dastuur dhoodhoobka gaaladu soo guurisay ayaa dastuur looga dhigey dawlada dhexe ee Somaliya waxana ku jira mid la mida kan musheykhda saxda ah ka qabteen dadka.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=ujVd9cjv3_0[/embedyt]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.