Mid ka mid ah Madaxdii kala duwanaa ee hore u soo maray xukunka dalka Somaliya ayaa warqad dacwad ah ka gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya ee Haatan Xassan Sheekh Maxamuud taasi oo uu gaadhsiiyey beesha calamka ee danaysa arimaha Somaliya.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxwaynihii uu bedalay Xasan Sheekh ayaa warqadan u gudbiyey daneeyayaasha Arimaha Somaliya iyada oo ujeedka warqadani ay xambaarsan tahay uu yahay qorshe uu sheegay in Madaxwayne Xasan Sheekh uu qorshaynaayo ugaadhsiga musharaxiinta kula tartamaysa Xilka Jagada Madaxtinimo ee la filaayo in ay dhawaan ka dhacdo Dalka Somaliya
Maddaxynihii hore oo haatan ah musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Somaliya ayaa beesha caalamka ka codsaday in ay diyaariyaan Ciidan suga amniga musharaxiinta una badan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somaliya ee loo yaqaan Amisom,
Shakiga ugu way nee musharaxiinta la tartamaysa madaxwayne Xasan sheekh ayaan iyagu ku kalsoonayn in Xukumada Somaliya ay sugayso amaankooda waxaana shakiga ugu way nee dhashay ka dib markii dhawaan la dilay Taliye General Goobaale oo sugayay amaanka caasimada inta lagu jiro tartanka kaasi oo weerar qorshaysan lagu dilay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Beesha Caalamka ayaa la filayaa in ay si deg deg ah uga soo jawaabto codsiga Madaxwaynahii hore ee Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS