Sheekh Cabdulcasis alsheekh waa sheekh tujiya masjidka xaramka laakiin mar wax laga waydiiyay hadal ka soo yeeray madaxda Iiraan ayuu ku jawaabay in ayna ahayn Muslimiin.
Sucuudiga ayaa dagaal isaga gooni u ah kula Jira dadka Shiicada ah oo uu diinta Islaamka ka saaray sida sheekhaas tujiya xaramka oo hadda la sheegayo in aanu tujinayn ciidan adxa oo uu xanuusan yahay.
Dagaalka Sucuudigu kula jiro Muslimiinta shiicada ee diinta uu ka saaray ayaa waxa ku baxday balaayiin doolar oo badankooda hub lagaga soo iibsadey Maraykanka, Yuhuuda iyo Ingiriiska.
Sida ay qortey jariirad la magacbaxdey Makka ayaa sheekhani ku tilmaamey Shiicada dad ka soo jeeda dad haysta diinta Shiinaha oo sanabka la caabudo asal ahaan, waxaadse iswaydiin kartaa halka isagu ka soo jeedo.
Kumanaan dadka reer Iiraan ah ayaa sanadkan xajin iyadoo Sucuudigu aaminsan yahay in ayna muhiim ahayn in ay xajka yimaadaan maadaama uu diinta ka saaray, waxayse ku eedeeyeen Iiraan oo rabtey ayay yiraahaan in xujeydooda la siiyo sed gaara.
Sucuudiga ayaa isku dayay in uu soo urursado ama iibsado wadamo badan oo Muslimiina maadaama aanu u babac dhigi Karin Iiraan oo ah dawlad xoogleh, wayse ku qosleen wadamadaasi badankoodu.
Sucuudiga ayaa mabaadiida noocana ku faafiya aduunka Muslimka ah ee aadka u fiqiirka ah isagoo adeegsada argagixisada Daacish iyo kuwa la midka ah sida shabaab iyo wadaado ka soo baxay jaamacadaha ku yaal dalkiisa oo dhamaantood aaminsan waxa Sucuudigu aaminsan yahay.
Waxaad iswaydiin kartaa XAJKII RABINA ma siyaasad ayuu geliyay, hadayse sii socoto waxa dhici karta in Muslimiintu iswaydiiyaan qoyskan Sacuud malagu aamini karaa XAJKA.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS