X

Sheekh Sucuudiya oo dumarka dalkiisa u sheegay in cabaayadu dhaqan tahay

Sheekh Sucuudiya ayaa dumarka dalkiisa u sheegay in cabaayadu dhaqan tahay oo ayna diin shaqo ku lahayn. Sucuudiga ayaa ku khasbey dumarkooda in afka daboolaan maro madowna xirtaan.



Dhaqanka cabaayad xirashada ayaa Sucuudigu ku bixiyay malaayiin doolar si loogu faafiyo wadamada Muslimiinta oo Somalidu ku jirto asagoo isticmaalaya wadaado aaminsan urur diimeedkooda.



Sheekhaan fatwoodey ayaa runta sheegay mana jiraan ilaa hadda cid kahor timi oo sheegtay wax ka duwan. Sucuudiga ayaa hadda faraha ka qaadaya dhaqamo ay diin moodeen sida in haweenka loo diido inay gawaadhida kaxeeyaan.

Dumarka Sucuudiga ayaa xataa loo ogolayn inay kali socdaan ama qaataan baasaboor ama bangi furan karaan. Waxase hadda loo fasaxay intaas oo dhan oo awal diini ka xarimin.



Sheekh Cabdullah al-Mutlaq ayaa sheegay in diintu fartey haweenka iyo ragaba inay xirtaan dhar asturan ee aan loo cayimin marooyin khaasa sida cabaaya iyo afkoo la daboolo.

Sheekha ayaa intaa raaciyay in boqolkiiba 95 Muslimiinta aduunku aaney xiran cabaayad afkana daboolin. Wuxuuna raaciyay waa in aan lagu khasbin haweenka Sucuudiga.



Hadalka Sheekha ayaa waxa dhici karta inay ku daydaan wadamada Khaliijka ee ay isku dhaqanka yihiin.

Sawirka hoosta waa sida Sucuudigu ku faafiyo dunida Muslimka hadase diideen

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.