X

Shiinaha iyo Ruushka oo Maraykanka ku qabtey sun uu kala shaqeeyay Yukrayn

Shiinaha iyo Ruushka ayaa labaduba dalbaday in Maraykanku runta ka sheego sun uu kala shaqeeyay yukrayn oo Ruushku fashiliyay. Sunta oo ah noocyada kala duwan ee cudurada ayaa Yukrayn isku dayday inay baabiiso, waxase helay Ruushka.


Shaybaadhada lagu farsamaynaayay cudurada kala duwan ayaa u dhawaa xadka Ruushka waxana Shiinuhu sheegay in tani muujinayso oo ay sax tahay halista Ruushku sheegay inay wajahayso.


”Waxaan ugu baaqaynaa Maraykanka inuu runta noo sheego soo bandhigo inta uu leekaa barnaamijkaasi uu kala shaqaynaayay Yukrayn ayay tiri wasaarada arimaha dibedda ee Shiinaha.



Ruushka ayaa isna sheegay inay helaan sirta ku saabsan sunta hubeysan ee dadka lagu weerari karo noocyada kala duwan ee cudurada. Maraykanka ayaa qirsan sheegayna inaanu sidaa u balaadhneyn. Waxase hadda la ogaaday inuu Maraykanku ku weeraro Ruushka kadibna ku eedeeyo Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.