X

Shiinaha oo diidey qaraar Ingiriisku horgeeyay QM oo ku lugleh cayrintii Nikolas

Shiinaha oo cod ku leh Qaramada midoobey ayaa diidey qoraal Ingiriisku diyaariyay oo uu ku rabay inuu Somaliya ugu hanjabo cawaaqib xumo ayaa Shiinuhu sheegay in qoraalkaas u baahan yihiin inay soo darsaan.


Kulankan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa xalay lagu kala kacay. Shiinaha ayaa u muuqdey in isagu kali ku tahay diidmada halka Somaliya filaysay in Ruushkuna diido qoraalka Ingiriiska.


Maanta oo Sabtiya,ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin markale looga hadli doonaa go’aankii dawlada Somaliya ku cayrisay ergaygii QM oo ku xadgudbey qaranimada Iyo dawladnimada dalka.


Safiirka,Somaliya u jooga qaramada midoobey Abuilar Daahir Cusmaan ayaa u sheefay QM inay xushmeyso madax banaanida inayna farogelin arimaha siyaasada ee dalka. Wuxuu raaciyay xagjir walba oo soo xerooda Kuma boodo kursiga ee wuxuu soo maraa jaranjaro lagu sifeynayo.


“Ma fahmin waxa ku kalifay Ingiriiska inuu qoraal ka diyaariyo arinta ergayga aan ka ahayn inuu u hiilinaayo dawlad la’aant ayuu yiri Cabdullahi Xasan oo Muqdisho jooga.


Si kastaba ha ahaatee qaramada midoobey oo loogu hanjabo dawladaha yaryar ayaa rabta inay is muujiso ayagoo ku faanaya inay gacanta ku hayaan maamulka yar ee jira, ayagoo raba inuu sidaa u taag daraado si ay weligood uga taajiraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.