Islamabad–Shiinaha ayaa maalgelinaya mashruucyo waaweyn oo ay ku jirto wado isku xirta Shiinaha ilaa deked ku taal magaalada Gwadar ee xeebta Bakistaan ee badweynta Hindiya. Shiinaha ayaa sidoo kale dhisaya wadooyin tareen iyo dhinaca tamarta oo Bakistaan xoog ugu baahan tahay iyadoo dalku mararka kulaylka uu fadhiisto maadaama ayna jirin koronto ku filan.
Shiinaha ayaa sidoo kale dhisaya dhuumo qada saliida oo ka yimaada Gwadar toosna u geeya Shiinaha. Mashruucyadan ayaa abuuraya kumanaan shaqooyina oo dalka fiqiirka ah ee Bakistaan aadka ugu baahan yahay.
Dadka siyaasada gobolka indha indheeya ayaa fiiriyay isha naxdinta leh ee Hindiya ku eegayso iyadoo Hindiya ku xidhatay Ruushka iyo Maraykanka heshana awood ay hesho tamarta korontada.
Dhinaca kale ayaa laga basqayaa in mashruucani hirgeli waayo maadaama Bakistaan uu googooyay musuqmaasuq kan ugu xun aduunka. Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Shiinaha ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiiskan. Shiinaha ayaa waydiistey Bakistaan in la cirirbtiro argagixisada oo hadda Shiinuhu ka baqayo in soo galaan dalkiisa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS