X

Shil aan caadi ahayn oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho: SAWIRO

Shil aan caadi ahayn ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Shilkan oo ah mid diyaaradeed ayaa saakadii hore ka dhacay garoonka magaalada Muqdisho.

Diyaarad u socotey qaramada midoobey ayaa ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo aad u yar marka la eego garoomada caalamka.



Diyaaradan ayaa baalka ku dhufatey diyaarad ay leedahay shirkada Galayr oo rakaab ahayd oo taagneyd barxada garoonka halka diyaaradan kale ay rabtey meel ay dhigato ama joogsato.

Waxana muuqata in qiyaasta ay ka qaldantey wadaha diyaaradan. Shilka ayaa keenay in shidaal badan ka khasaaro labadaba diyaaradoodba.



Ma jirto cid wax ku noqotey aan ka ahayn xoogaa naxdina oo soo gaartey dadka saarnaa diyaarada wax duqeysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.