X

Shil gaadhi oo ka dhacday Hargeysa iyo khasaare jira

Shilalka gawaadhida ayaa waxay noqdeen wax marar kala duwan ka dhaca guud ahaan gobolada Somalilnad,kuwaasi oo sababa dhimasho iyo dhaawac,sidooo kale in lagu waayo hanti kala duwan.

Waxaa saaka magaalada Hargeysa ka dhacay shil gaadhi oo aad u naxdin badan,shilkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada hargeysa,gaar ahaan dhinaca bari ee magaalada.

Shilkan oo ahaa mid sababey dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey kaddib markii ay is galeen laba gaadhi oo ahaa kuwa loo yaqaano booyadaha ee iyagu biyaha kasoo qaada degmada Aw-barkhadle kuwaasi oo keena Magaalada Hargeysa.

Inta la ogyahay Shan ruux ayaa ku dhitney shilkan naxdita badan,sidoo kalena waxaa ku dhaawacmey saddex ruux oo kale.

Dadka dhaawacmey iyo dadka meydka ahba waxaa la geeyey cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

War-Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga hadley dadkii ku dhintey shilkaasi,waxaana uu madaxweyne Siilaanyo tacsi u direy dadkii ku dhintey ehelkoodii.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.