Shil aad u foolxun ayaa ka dhacay dalkaasi burburey ee Afganistaan halkaas oo ay ku dhinteen 73 qof oo ahaa dad saarnaa gawaadhi wadada maraysay. Shilkan ayaa ahaa shil aad u foolxun inkastoo shilalku ku badan yihiin dalkaasi midkanse waxa lagu tilmaamay kii ugu xumaa dhimashada dhacday awgeed.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii uu qarxay gaadhi sidey shidaal oo wadada maraysay kaasi oo ku dhacay gawadhi kale oo uu ku jiro taas oo keentasy dhimashada faraha badan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS