X

Shil khasaare ka dhashay oo ka dhacay degmada Sheekh maxaase sababay

Waxa la xaqiijay geerida laba qof halka sagaal qof oo kalana ku dhaawacmeen kadib markii shil baabuur uu ka dhacay degmada Sheekh oo ka tirsan gobolka Togdheer. Shilka baabuur ayaa yimi markii gaadhi bas ah uu ku rogmaday wadada.


Shilalka baabuurta ayaa inta badan yimaada ayadoo ay wadaan dirawalo qayro masuula oo iska wada xataa iyagoo arkaya inay gaadhiga kale ku dhacayaan ama wadadu jartahay oo ayna ku filnayn laba baabuur iyo xariif iska dhigid jaahilnimo.

Dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Burco si loo daaweeyo loona xaqiijiyo inta dhimatey cida ay yihiin.


Maamulka ka dhisan ayaa ku fashilmey inuu ugu yaraan 30-ka sano dadka ka hagaajo wadooyinka iyo arimaha kale ee bulshadu u baahan tahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.