X

Shir ay ku kulmeen Xasan Sheekh iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada oo ka furmey Muqdisho:SAWIRO

Waxaa goor dhoweyd Magaalada Muqdisho ka furmay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboledyada dalka.

Shirka oo uu si rasmi ah u furay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu noqon doono kii ugu dambeeyay ee Madashu yeelato ayaa qodobada hor yaala Madaxda ee maanta Shirka ay uga hadli doonaan ayaa ah:-

  • Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

  • Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

  • Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

  • Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016.

  • Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.